Saturday, June 14, 2025

Qorshaha lagu canshuurayo lacagaha Telfoonnada laga diro oo la diiday

Xildhibaano katisan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay xarunta golaha, ayaa si adag uga horyimid qorshaha wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku dooneyso in lacago canshuuro ah uga qaado lacagaha telfoonada la isaga diro.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa sheegay in aan la aqbali karin in sharci aan baarlamaanka lasoo marin lagu dhibaateeyo shacabka, waxa ayna sheegeen in laga maarmaan tahay in baarlamaanka la horkeeno kaddibna go’aan ka gaaraan canushuurta lagu soo rogayo lacagaha la isaga diro telfoonnada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan xildhibaannada golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan aqbali karin in wasiir seexday waxii uu ku riyoodo umadda sharci uga dhigo, waxa uuna xusay sharci aan baarlamaanka soo marin aan dad waxba looga qaadi karin laguna canshuuri karin.

” Waxaan rabaa in aan ka hadlo arrinta Evc-ga la canshuuraa , waxaan sheegaa sharci aan baarlamaanka soo marin wasiir kuma canshuuri karo , wasiir walbo inta xalay seexday soo riyoodo sidee bajadka ku badsan kartaa uu ku fekero, kaddibna halkaan soo joogsado guddoonkeena soo hoos galiyaan annagu ma rabno, xildhibaanno ayaan nahay waana naqaan waxa shacabkeena iyo dadkeena u fiican ” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo iyana ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in aysan aqbalaneyn in shacabka Soomaaliyeed canshuur lagu dhibaateeyo, waxa ayna xustay in shacabka xaq u leeyihiin in sidii kuwa Kenya u kacaan iskana diidaan canshuurta dulmiga ah ee lagu soo rogayo.

Wasiirka Maaliyadda  ayaa shaaciyay in la canshuurayo lacagaha telfoonnada la isaga diro oo inta badan isticmaalana shacabka , iyada oo xusid mudan tahay in dalka uusan xilligan laheyn lacag fiican oo kaash ah oo dadku isticmaali karaan, kuna qasban yihiin dadku isticmaalka lacaga telfoonada laga diro.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles