Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee (EU-Somalia Business Forum 2026) oo labo maalin ah ka socotay caasimadda Muqdisho, taasi oo ay isugu yimaadeen Bah-wadaagta Horumarinta, Hay’adaha Maaliyadeed iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee ka jira Soomaaliya iyo Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta diyaar u tahay in adduunyadu maalgashi ku samayso khayraadkeeda dihan ee istaraatiijiga ah, iyada oo laga faa’ideysanayo meesha ay ku taallo ee muhiimka ah iyo nabadda ka hirgashay guud ahaan dalka.

“Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dhahdo cid walba oo doonaysa in ay dalkaan ka faa’ideysato, nala saaxiibto, nala qaadato amniga iyo midnimada dalkeenna, gacmo furan kusoo dhawaada. Marka aan sidaas leennahay waxa aan aaminsannahay in aan soo buuxinay shuruudihii lagu maalgashan laha Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay wax badan ka qabatay amniga dalka iyo dib-u-habeynta hey’adaha Qaranka, waxa uu sheegay in dalkeennu u jihaystay horumarinta dhaqaalaha, kobcinta kaabeyaasha horumarineed iyada oo la sameeyay dhammaan shuruucdii saldhigga u ahayd hirgalinta nidaam dhaqaale oo sugan, la isku halleyn karo, isla markaana ogolaanaya in bulshada Soomaaliyeed gaarto isku filnaansho buuxa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay Badda ugu dheer Afrika, Khayraad dhanka macdanta ah oo aan wali laga faa’ideysan, xoolo iyo Dhul-Beereed aad u baaxad weyn, ayna diyaar u tahay dhammaan noocyada maalgashi ee dunidu doonayso.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah iyo xiriirka saaxiibtinnimo ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin maalgashiga dhinacyada kala duwan, isaga oo ugu baaqay in ay faa’ideystaan fursadaha kala duwan ee ka jira dalkeenna.

WARARKII KALE

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles