Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qayb galay bandhigga suuq-weynaha Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo ay isugu yimaaddeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan dadaalkooda ganacsi, horumariyaan hal-abuurka cusub, una istaagaan sidii kor loogu qaaddi lahaa kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sharraxay muhiimadda Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP) iyo doorka uu siinayo qeybaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si ay hormuud ugu noqdaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Mudane, Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in iskaashiga dowladda iyo ganacsatada ay fure u tahay kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka ay la leedahay ganacsatada, si loo abuuro jawi ganacsi, xasilloon oo dalka u abuuraya fursado dhaqaale.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles