Wednesday, July 2, 2025

Mareykanka oo Dilay Xubno Sare oo ka Tirsan Daacish Kadib Duqeyn ka Dhacday Puntland

Ciidanka Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda ISIS-Soomaaliya (Daacish).

Duqeymahan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo ay kooxda ku lahayd dhulka buuraleyda ah ee ku dhow Boosaaso, iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeymuhu si gaar ah u beegsadeen hoggaanka sare ee ISIS-Soomaaliya. Xarumaha la duqeeyay ayaa ahaa godad ay dagaalyahannadu si aad ah ugu dhuumaaleysanayeen, kuwaas oo ku yaalla qiyaastii 50 mayl dhanka koonfur-bari ee Boosaaso.

Sida ay sheegtay AFRICOM, duqeymaha ayaa lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan ISIS, oo ay ku jiraan xubno sare oo hoggaan ah. “Qiimeynta hadda ee taliska waxay muujinaysaa in ilaa 14 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS-Soomaaliya la dilay, iyadoo aan waxyeello loo geysan dad rayid ah,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa Axmed Maeleninine, oo Mareykanku ku tilmaamay xubin muhiim u ah ISIS-Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka hormuudka ka ahaa qorista dagaalyahannada, maalgelinta kooxda, iyo abaabulka weerarrada dibadda, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayay Mareykanka iyo Yurub.

Dagaalka ka dhanka ah ISIS ee ka socda gobolka Bari ayaa galay marxalad adag, waxaana si dhow iskaga kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwa ammaanka Puntland, iyo Mareykanka oo bixiya taageero dhanka duqeymaha cirka ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dadaalladeeda la dagaallanka ISIS-Soomaaliya ay diiradda saarayaan in la wiiqo awoodda kooxda, si looga hortago khataraha ay u horseedi karto gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles