Saturday, November 15, 2025

Koox la tuhunsan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah oo qabsaday dooni laga leeyahay Yemen

Koox la tuhunsan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa qabsaday dooni kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay, meel u dhow xeebta Geeska Afrika, sida ay  sheegeen masuuliyiin sare.

Hawlgalka ciidanka badda ee Yurub ee Bariga Dhexe, oo loo yaqaan EUNAVFOR Atalanta, ayaa sheegay in dhacdadu ay weli ku socoto baaritaan.

Waxa ay intaas ku dartay in weerarku uu bartilmaameedsaday doon dhaqameed nooca dhow loo yaqaan oo ku safra biyaha Bariga Dhexe, meel u dhow magaalada Eyl ee Soomaaliya.

Shirkadda amniga badda ee Ambrey ayaa sheegtay in weerarka lagu xaday saddex doonyood oo yaryar oo leh matooro. Ambrey ayaa sidoo kale hore u sheegtay Talaadadii “koox la tuhunsan yahay in ay yihiin burcad-badeed ah la arkay iyagoo ka baxaya xeebaha Eyl.”

Burcad-badeednimadii xeebaha Soomaaliya oo mar ahayd mid baahsan ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ay gaartay heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011. Sannadkaas waxaa la diiwaangeliyay 237 weerar oo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

Sida ay sheegtay hay’adda Oceans Beyond Piracy, burcad-badeednimadii Soomaaliya xilligaas waxay dhaqaalaha adduunka uguu kacday qiyaastii $7 bilyan, iyadoo madax-furasho lagu bixiyay $160 milyan.

Kordhinta kormeerka ciidamada badda caalamiga ah, xoojinta dowladda dhexe ee Muqdisho, iyo dadaallo kale ayaa sabab u noqday in burcad-badeednimada la xakameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa mar kale soo kordhay sanadkii la soo dhaafay, taas oo qayb ahaan loo aaneynayo xaaladda amni-darro ee ka dhalatay weerarrada kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan marin-biyoodka Badda Cas, taasoo la xiriirta dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee ka socda Marinka Qaza.

Sannadka 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska International Maritime Bureau.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles