Koox la tuhunsan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah oo qabsaday dooni laga leeyahay Yemen

Koox la tuhunsan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa qabsaday dooni kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay, meel u dhow xeebta Geeska Afrika, sida ay  sheegeen masuuliyiin sare.

Hawlgalka ciidanka badda ee Yurub ee Bariga Dhexe, oo loo yaqaan EUNAVFOR Atalanta, ayaa sheegay in dhacdadu ay weli ku socoto baaritaan.

Waxa ay intaas ku dartay in weerarku uu bartilmaameedsaday doon dhaqameed nooca dhow loo yaqaan oo ku safra biyaha Bariga Dhexe, meel u dhow magaalada Eyl ee Soomaaliya.

Shirkadda amniga badda ee Ambrey ayaa sheegtay in weerarka lagu xaday saddex doonyood oo yaryar oo leh matooro. Ambrey ayaa sidoo kale hore u sheegtay Talaadadii “koox la tuhunsan yahay in ay yihiin burcad-badeed ah la arkay iyagoo ka baxaya xeebaha Eyl.”

Burcad-badeednimadii xeebaha Soomaaliya oo mar ahayd mid baahsan ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ay gaartay heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011. Sannadkaas waxaa la diiwaangeliyay 237 weerar oo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

Sida ay sheegtay hay’adda Oceans Beyond Piracy, burcad-badeednimadii Soomaaliya xilligaas waxay dhaqaalaha adduunka uguu kacday qiyaastii $7 bilyan, iyadoo madax-furasho lagu bixiyay $160 milyan.

Kordhinta kormeerka ciidamada badda caalamiga ah, xoojinta dowladda dhexe ee Muqdisho, iyo dadaallo kale ayaa sabab u noqday in burcad-badeednimada la xakameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa mar kale soo kordhay sanadkii la soo dhaafay, taas oo qayb ahaan loo aaneynayo xaaladda amni-darro ee ka dhalatay weerarrada kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan marin-biyoodka Badda Cas, taasoo la xiriirta dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee ka socda Marinka Qaza.

Sannadka 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska International Maritime Bureau.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles