Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Deg-degga ah ee SIPS (Somali Instant Payment System).
Nidaamka 𝐒𝐈𝐏𝐒 (𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐚𝐧𝐭 𝐏𝐚𝐲𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐒𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦), ayaa ah nidaam lacag-bixin deg-deg ah, ammaan ah, iskuna xiraya adeegga lacagaha taleefoonada gacanta ee bangiyada kala duwani bixiyaan (mobile Wallets).
𝐒𝐈𝐏𝐒 wuxuu fududeynayaa inaad si degdeg ah lacag u 𝐝𝐢𝐫𝐭𝐨 ama wax ku 𝐢𝐢𝐛𝐬𝐚𝐭𝐨 adigoo isticmaalaya taleefonkaaga gacanta.
Nidaamkan casriga ah wuxuu kor u qaadaya ka-qaybgalka bulshada ee nidaamka maaliyadeed ee dalka, wuxuuna dhiirrigelinayaa isticmaalka teknoolojiyada lacag-bixinta oo casri ah.