Wasiir Cali Xoosh oo maalintii labaad kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta iyo bulshada Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdi Maxmed Guure ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo golaha deegaanka Jowhar.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xasilinta, dib u heshiisiinta, dowladaha hoose iyo qaar kale.

Wasiir Cali Xoosh ayaa warbixin ka dhagaystay Maamulka Gobolka iyo Golaha Deegaanka degmada Jowhar.

“Dhismaha maamullada deegaanka badan waa qeyb ka mid ah dowlad-dhiska iyo astaan muujineysa biseylka iyo in shacabka u diyaarsan yihiin doorashooyin toos ah ee dadkii matali lahaa, talaabadaas oo dedejineysa isla xisaabtanka iyo hufnaanta”. ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali(Cajiib).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmad oo ka wada hadlay Xaalada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal...

Ciidamada Badda Puntland oo weeraray markabka Honour 25

Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday markabka HONOUR 25,...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan...

Booliiska Baydhabo oo qabtay rag lagu eedeeyay Al-Shabaab

Booliiska degmada Baydhabo ayaa sheegay in howlgal ay gudaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles