Sunday, February 9, 2025

Wasiir Cali Xoosh oo maalintii labaad kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta iyo bulshada Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdi Maxmed Guure ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo golaha deegaanka Jowhar.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xasilinta, dib u heshiisiinta, dowladaha hoose iyo qaar kale.

Wasiir Cali Xoosh ayaa warbixin ka dhagaystay Maamulka Gobolka iyo Golaha Deegaanka degmada Jowhar.

“Dhismaha maamullada deegaanka badan waa qeyb ka mid ah dowlad-dhiska iyo astaan muujineysa biseylka iyo in shacabka u diyaarsan yihiin doorashooyin toos ah ee dadkii matali lahaa, talaabadaas oo dedejineysa isla xisaabtanka iyo hufnaanta”. ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali(Cajiib).

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles