Saturday, March 14, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Ku Baaqay in loo Midoobo Dagaalka AS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka diiddan, jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey, “Caawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox la isu cafiyo, dalkana loo duceeyo”.

Mudane Xamsa oo u mahadceliyey aqoonyahanka af-furka soo agaasimay, ayaa dhankooda ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles