Tuesday, March 3, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay halgan ugu jiraan horumarka qaranka.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin dib-u-dhiska, horumarka, iyo xasillinta dalka, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, kor u qaadista xirfadooda, iyo horumarinta shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

“Maalintan waxa ay fursad u tahay in aynu xasuusanno dadaalka iyo halganka ay shaqaalaha Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta dalka. Xukuumaddu waxa ay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo fursadaha shaqo, iyada oo kor loo qaadayo xirfadaha shaqaalaha, lana dardar-gelinayo nidaamyada lagu tayeynayo shaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa ayaa ku dhiirrigeliyay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay sii laba-jibaaraan juhdigooda, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed si hufan, si ay uga dhabeeyaan dadaalka shaqo ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles