Sunday, August 9, 2026

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Bangladesh oo geeriyootay

Ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee Bangladesh, Khaleda Zia, ayaa ku geeriyootay da’da 80 sano kaddib xanuun muddo dheer hayay.

Zia waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa dowladda Bangladesh sanadkii 1991, kaddib markii ay xisbigeedu ku guuleystay doorashadii dimuqraadiyadeed ee ugu horreysay ee dalka ka dhacda muddo 20 sano ah.

Dhakhaatiirtu Isniintii waxay sheegeen in xaaladdeedu ay ahayd “mid aad u halis ah.” Waxaa lagu xiray qalabka neefsinta (life support), balse ma suurtagelin in la siiyo dawooyin badan isla mar ahaantaas sababo la xiriira da’deeda iyo caafimaadkeeda guud oo aad u liitay, ayay sheegeen.

Inkasta oo caafimaadkeedu liitay, haddana xisbigeedu horey ayuu u sheegay in Zia ay ka qaybgeli doonto doorashooyinka guud ee la filayo Febraayo, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay tan iyo kacdoonkii horseeday in xilka laga tuuro haweenaydii kale ee ay is hayeen Zia, Sheekh Xasiina.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles