Roobka Muqdisho oo Hakad geliyay Ganacsiga iyo Gaadiidka

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad weyn geliyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa guud ee caasimadda, kadib markii waddooyin badan ay noqdeen biyo-xireenno.

Waddada mashquulka badan ee KM4, gaar ahaan dhanka aadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa si weyn u saameysantay, iyadoo biyaha roobku ay qariyeen qeybo ka mid ah waddada iyo biraha koontaroollada, taasoo keentay in gaadiid badan ay ku adkaato inay maraan.

Magaalada Muqdisho ayaa weli wajahaysa caqabado la xiriira la’aanta nidaam biya-mareenno oo casri ah, taasoo mar kasta sababta in biyaha roobka ay ku fariistaan waddooyinka muhiimka ah, islamarkaana ay carqaladeeyaan isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Roobka ayaa sidoo kale saameeyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo adeegyada gaadiidka dadweynaha, iyadoo qaar ka mid ah shacabka ay cabasho ka muujiyeen fatahaadaha soo noqnoqda ee ka dhasha roobabka xilliyeedka.

Dadka ku nool magaalada ayaa ugu baaqaya maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha ay khuseyso inay xoojiyaan qorshayaasha lagu horumarinayo biya-mareennada si looga hortago saameynta roobabka mustaqbalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles