Ruushka oo duqeymo ba’an ka wado Ukraine

Ruushka ayaa 574 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 40 gantaal ku garaacay dalka Ukrain mid ka mid ah duqeymihii ugu cuslaa todobaadyo gudahood, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Hal qof ayaa ku dhintay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ay ku garaacday galbeedka magaalada Lviv, waxaana la sheegay in 15 qof ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay koonfurta-galbeed ee gobolka Transcarpathia.

Weeraradan ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hormuud ka yahay dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo lagu joojinayo dagaalka, waxaana wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha uu sheegay in weerarradan ay muujinayaan sida loogu baahnayahay dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay “aad muhiim u yihiin”.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay inay kula kulanto Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “dal dhex-dhexaada oo Yurub ah” sida Switzerland ama Austria – sidoo kalena aanu diidaneyn Istanbul.

Zelensky waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Putin qaab kasta oo ay tahay, inkasta oo uu messha ka saaray fikradda ah in uu kula kulmo Budapest, taas oo uu sheegay in aanay taasi hadda fududayn.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles