Wednesday, February 25, 2026

RW ku-xigeenka booqday Khasaaraha roobabkii xalay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah goobihii ay saameynta ku yeesheen roobabkii mahiigaanka ahaa ee xalay ilaa saakay ka da’ayey caasimadda.

Jibriil ayaa hoggaaminayey guddi ka kooban heer wasiirro, gobol iyo hey’adda SoDMA, kuwaasoo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,

Goobaha ay kormeerka ku tageen guddiga oo ay kamid yihiin, Iskool Buluusiya, waddada isku xirta garoonka Aadan Cadde iyo KM4 iyo waddooyinka uu burburka soo gaaray, ayaa waxa ay u kuurgaleen baaxadda burburka, si looga jawaabo khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in roobabku ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jira naf iyo maal isla markaana uu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka magaalada, isaga oo uga mahadceliyey hey’addihii gurmadka fidiyey ilaa xalay. Waxa uuna intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran oo ay kaalinteeda ka qaadan doonto maareynta khasaaraha uu sababay roobka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles