Wednesday, March 4, 2026

RW Kuxigeenka Soomaaliya”Muqdisho oo noqotay midda ugu nabdoon tobankii sano ee ugu dambeeyay”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay maanta ka nabdoon tahay sidii ay ahayd tobankii sano ee ugu dambeeyay, inkastoo weli ciidamada ammaanka ay dagaal kula jiraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Isagoo wareysi siiyay wakaaladda wararka Anadolu ayuu sheegay in dhacdooyinka amni-darrada ee dalka si weyn hoos ugu dhacay, isla markaana ammaanka Muqdisho si muuqda u soo hagaagay, xilli weli dagaal lagula jiro Al-Shabaab.

“Caqligu wuu cad yahay. Ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha kala duwan ee amniga, oo la shaqeynaya saaxiibbada caalamiga ah – sida Mareykanka, Turkiga, Midowga Afrika iyo kuwo kale  waxa ay si joogto ah u hagaajinayaan amniga dalka. Shacabka Soomaaliyeedna waxa ay muujiyeen adkaysi iyo geesinimo weyn oo ay kaga hortagayaan mid ka mid ah kooxaha argagixiso ee ugu khatarta badan caalamka,” ayuu yiri Jaamac.

Wuxuu xusay in nidaamka doorashada qof iyo cod uu yahay hadaf muddo dheer ay shacabka Soomaaliyeed ku taamayeen, ayna ka mid ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu xilka qabtay, si loo dardargeliyo hanaanka dimoqraadiyadda dalka.

“Haddii aan saldhigyo dowladeed oo adag la dhisin, waa adag tahay in la soo jiito maalgelinta shisheeye, sidoo kale waa adag tahay in sawirka dalka dibadda laga beddelo. Siyaasaddu waa tiirka aasaaska ah ee aan mustaqbalka ku dhisi doono,” ayuu yiri.

“Haddaba, ‘qof iyo cod’ ma ahan riyo keliya ee waa geeddi-socod socda, waa riyo iyo rabitaan ay shacabka Soomaaliyeed leeyihiin si ay u doortaan cidda ay doonayaan inay xilal dawladeed u dhiibtaan,” ayuu raaciyay.

Soomaaliya oo isbeddel weyn gashay tobankii sano ee ugu dambeeyay

Jaamac wuxuu sheegay in isbeddel weyn laga dareemayo dhismaha guryaha, dhaqaalaha, amniga iyo xiriirka Soomaaliya ee caalamka.

“Xagga dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasadeed ee caalamiga ah wax badan ayaa is beddelay. Qaabka Soomaaliya iyo sida dunidu u aragto ayaa si weyn isu beddelay tobankii sano ee ugu dambeeyay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in tirada guryaha, waddooyinka, dhismayaasha cusub iyo suuqyada la dhisayo ay markhaati ka yihiin amniga iyo xasilloonida soo hagaagay.

Wuxuu intaas ku daray in federaalka uu dalka ka hana qaaday, isla markaana meelaha ka baxsan Muqdisho laga arki karo horumar muuqda oo ku saabsan nolol maalmeedka dadka. “Isbeddelkan waa natiijo ka dhalatay maamulka wanaagsan,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in Soomaaliya weli aysan ka xorayn caqabadaha, iyadoo Al-Shabaab aan weli si buuxda loo dabar-goyn inkastoo dadaallo xooggan la sameeyay.

Dalka waxaa weli saameeya dhibaatooyin bini’aadannimo, sida abaarta iyo isbeddelka cimilada oo bulshada nugul aad u taabanaya, balse wuxuu xusay in dadka iyo hay’adaha Soomaaliyeed ay sii adkaanayaan.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles