RW Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane, Cabdalla Cuteybi, iyada oo kulanka looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Jaamacadda Carabta Mudane Cabdalla Cuteybi, ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka, isaga oo xusay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo inay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles