Wednesday, September 17, 2025

RW Xamsa oo amar culus duldhigay madaxda Garoonka diyaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo la hadlayay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Maamulka garoonka ayaa faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.

Waxaa uu sheegay inuu ku soo laaban doono garoonka muddo laba toddobaad gudahood ah, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono, haddii aan isbeddel degdeg ah lagu sameyn adeegyada muhiimka ah sida mashiinnada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Cabdi Barre, oo xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Mareykanka oo xaqiijisay in Nin hubka u iibiya Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday Sanaag

Mareykanka ayaa ugu danbeyn si cad u qirtay inuu...

Guddoomiye Mungaab oo sheegay in la dhisi doono Wadada Warshadaha, Daallo iyo Fagax

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Waqooyi Bari oo ka digtay abaabul dagaal ay Somaliland wado

Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa...

Israa’iil oo ballaarisay howlgalkeeda Qaza, guddiga Qaramada Midoobay oo ku eedeeyay xasuuq

Ciidamada Israa’iil ayaa sii ballaariyay howlgaladooda ka socda Marinka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles