Tuesday, August 18, 2026

โ€œXasan Sheekh wuxuu xilka ka degayaa isagoo ka mid noqday Maalqabeenada ugu hantida badan Soomaaliyaโ€CCW

Xildhibaan Abdirahman Cabdishakur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu maanta daabacay ku sheegay in hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dhisan tahay dan shakhsi iyo iibinta hantida Qaranka, isla markaana uu ka xooleystay hantida dadweynaha, isagoo ka mid noqday maalqabeenada ugu waaweyn Soomaaliya.

Xildhibaan Warsame wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku mashquulay dano shakhsi, taasoo ka fogayd ujeedadii loo doortay iyo ballanqaadyadiisii.

โ€œSanadkii ugu horeeyay xilkiisa labaad, Madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan qaaday in la dagaalami doono Al-Shabaab, musuqmaasuqa laga ciribtiri doono, iyo in awoodda dowladda la xoojin doono.

Laakiin ballanqaadyadan lama fulin, waxaana muuqday in maamulka uu ku mashquulay dano shakhsi, iibinta hantida Qaranka iyo ku takrifalka awooddaโ€, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

โ€œWaa wax lala yaabo in Hogaamiyihii ballanqaaday inuu la dagaalami doono Musuqmaasuqa uu hadda u xilka ka tegayo isagoo ka mida Maalqabeenada ugu hantida badan Soomaaliyaโ€ ayuu ku dooday Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilalka ku bixiyo eex, qabiil, inay isaga daacad loo noqdo, isla markaana soo xusodadka ugu aqoonta iyo kartida liita.

โ€œMasuuliyiinta aan kartida lahayn ayaa la magacaabaa si ay goโ€™aan kasta ugu soo laabtaan Madaxweynaha, taasoo keentay in dhammaan awoodda dowladda ay ku ururto hal xafiis, halka shaqooyinka muhiimka ah ay noqdeen kuwo ku tiirsan rabitaanka shakhsiโ€ ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Xildhibaan CC Warsame ayaa fashilka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ku soo koobay:
Balanqaadyadii fashilmay ee Madaxwene Xasan Sheekh sida Dagaalka Al-Shabaab ee istaagay, musuq-maasuqa oo kasii daray; fulin laโ€™aanta shaqo abuurka iyo kalsoonidii oo burburtay.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed mudan yihiin dowlad karti leh, islamarkaana ku dhisan masโ€™uuliyiin khibrad xirfad leh oo shaqadooda ka adag, una shaqeeya muwaadiniinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles