RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha dalka iyo cabsida laga qabo fatahaado culus oo ay sababaan Roobabka Dayrta oo la filayo in ay dhowaan ka bilowdaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddiga looga baahanyahay in ay bulshada Soomaaliyeed ka wacyigaliyaan Khataraha ka imaan kara fatahaadaha, kuwaas oo dhibaato kasoo gaarto dadka ku dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareenka ah, ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo isku dubarridka deeqaha iyo abaabulka bulshada.

Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan u diyaar-garowga ka jawaabista masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah iyo qorshaha lagu wacyigalinayo bulshada ku hareeraysan wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira in ay saameeyaan fatahaadaha Roobabka.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa faray guddiga in ay xoogga saaraan isku duwidda howlaga gurmadka, abaabulka deeq-bixiyayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb-qaadanaya badbaadinta dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noq-noqda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

Iran oo ka jawaabtay cunaqabeynta cusub ee Mareykanka ku soo rogay

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles