Friday, April 3, 2026

RW Xamse abdi oo booqday Ciidanka Xooga iyo kuwa jubaland ee kugan Buula Xaaji

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan jab xooggan gaarsiiyey Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed ay Al shabaab uga xoreynayaan dalka , ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Al shabaab deegaannada Jubaland.

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Al shabaab ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Al shabaab ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles