Friday, October 24, 2025

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, ayaa sheegay in Qaran-dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey’adaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo qorsheyaal cad cad oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dalkeenna loo jiheeyay dhanka horumarka iyada oo lagu salaynayo cilmi baarisyo lagu qeexay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyo Qorshaha Hiigsiga 2060 ee la doonayo in horumar muuqda lagu gaarsiiyo dalkeenna.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay la timid aragti Qaran oo ku saleysan Cilmi-baarisyo waaweyn oo lagu saleeyay Qorshaha Qaranka ee sannadaha soo socda, sidaas darteed Aqoonyahanka iyo Haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan sahanka u maqan dalkeenna iyo halka aynu berri degi doonno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa si adag uga hadlay ujeedada dhabta ah ee nidaamka federaalka, isagoo tilmaamay in federaalku uusan ahayn in uu shacabka Soomaaliyeed kala qeybiyo ama uu noqdo albaab laga soo galo si shisheeyuhu u farageliyo arrimaheena gudaha.

Federaalku looma keenin in uu kala dhax dhigo ummadda Soomaaliyeed. Ma ahayn in uu noqdo albaab laga soo galo si faragelin shisheeye loo suurtageliyo. Federaalku waa nidaam loo qaabeeyay in uu mideeyo, cadaaladna dhaliyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay dood xooggan oo ku saabsan xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo mararka qaar uu jiro is-maandhaaf saameynaya dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub...

Hogaamiyaha xoogagga RSF ee Sudan oo jeediyay digniin cabsi badan abuurtay

Hoggaamiyaha Ciiddanka Degdegga ah ee Sudan, Jeneral Mohammed Hamdan...

Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland

Madaxweynaha Dowladd goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha...

Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn inay dagaal la gasho Eritrea

Ambassador Dina Mufti, oo ah xubin ka tirsan guddiga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles