Wednesday, June 17, 2026

Taliye Asad oo gaadiid dagaal kala wareegay Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay gaadiid casri ah oo ay Dowladda Mareykanka ugu deeqday Ciidanka Booliiska, gaar ahaan waaxda la dagaalanka argagixisada.

Mr. Steven Gillen, oo ah safiir ku xigeenka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa wareejinta gaadiidkan ka dhigay munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho.

Taliyaha Booliiska ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay siiyaan ciidamada amniga, isagoo xusay in gaadiidkan cusub ay si gaar ah uga faa’iideysan doonaan ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada, kuwaasoo mararka qaar u baahan dhaq-dhaqaaq deg-deg ah iyo qalab casri ah si ay ula tacaalaan khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee nabadda diidan.

“Horumar weyn ayaa lagu sameeyay tayada iyo qalabaynta ciidamadan, waxaana gaadiidkan qeyb ka noqon doona dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka,” ayuu yiri Taliye Asad Cismaan.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo la dagaalanka argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles