Friday, October 24, 2025

Saacid oo faahfaahin ka bixiyay qodobada looga hadlay kulamo uu la qaatay MW Xasan Sheekh iyo RW Xamsa

Guddoomiyaha Xisbiga Nagaad, ahna Musharrax Madaxweyne, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ugu soo jeediyey qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka.

Qodobadaasi ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Wadatashi iyo Furdaamin Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda: Mudane Saacid wuxuu soo jeediyey in arrimaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda dalka loo furdaamiyo si wadatashi ku dhisan, si loo helo xal waara oo loo wada dhan yahay.
  2. Doorashooyinka iyo Dastuurka: Mudane Saacid ayaa tilmaamay in arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka ay muhiim tahay in lagu saleeyo wadar ogol, si loo gaaro go’aan mideysan oo lagu qiimeeyo maslaxadda guud ee dalka.
  3. Dib-u-habeyn iyo Dhiirrigelinta Ciidamada Qaranka: Waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada, iyadoo loo sameeyo dib-u-habeyn ballaaran iyo dhiirrigelin joogto ah ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan khataraha amni ee dalka ka jira.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub...

Hogaamiyaha xoogagga RSF ee Sudan oo jeediyay digniin cabsi badan abuurtay

Hoggaamiyaha Ciiddanka Degdegga ah ee Sudan, Jeneral Mohammed Hamdan...

Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland

Madaxweynaha Dowladd goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha...

Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn inay dagaal la gasho Eritrea

Ambassador Dina Mufti, oo ah xubin ka tirsan guddiga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles