Wednesday, March 4, 2026

Saciid Deni oo eedeyn culus u jeediyay DFS

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay sanad guurada 27aad ee aasaaskii Puntland, arrimaha siyaasadda Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo qodobo kale.

Ugu horrayn Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka reer Puntland uga hambalyeeyey xuska 1da Agoos oo sanadkaan ku soo aaddey xilli ay Puntland dagaal kula jirto kooxaha nabaddiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab.

Madaxweyne Deni ayaa intaas kadib ku dheeraaday dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha xag jirka ah, isagoo nasiib darro iyo foolxumo ku tilmaamay in dowladdii Soomaaliyeed ay abuurayso xaalado colaadeed xilli ay kooxaha xagjirku dhibaato ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka ugu yeeray inay ka qayb qaataan horumarka Puntland, adkaynta amniga iyo midnimadeeda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laysku tashto isla markaana ay la soo baxaan khayraadka dihin ee deegaamadooda

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles