Saciid Deni oo eedeyn culus u jeediyay DFS

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay sanad guurada 27aad ee aasaaskii Puntland, arrimaha siyaasadda Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo qodobo kale.

Ugu horrayn Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka reer Puntland uga hambalyeeyey xuska 1da Agoos oo sanadkaan ku soo aaddey xilli ay Puntland dagaal kula jirto kooxaha nabaddiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab.

Madaxweyne Deni ayaa intaas kadib ku dheeraaday dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha xag jirka ah, isagoo nasiib darro iyo foolxumo ku tilmaamay in dowladdii Soomaaliyeed ay abuurayso xaalado colaadeed xilli ay kooxaha xagjirku dhibaato ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka ugu yeeray inay ka qayb qaataan horumarka Puntland, adkaynta amniga iyo midnimadeeda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laysku tashto isla markaana ay la soo baxaan khayraadka dihin ee deegaamadooda

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles