Sacuudiga Carabiya oo 2024 fulisay xukunadii ugu badnaa ee dil

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in dil toogasho ah lagu fuliyay lix qof oo Iiraaniyiin ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, kadib sanad ay boqortooyada fulisay tiradii ugu badneyd ee dilal ah, sida ay muujineyso xog ururinta wakaaladda wararka AFP.

Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee rasmiga ah ayey wasaaradda ku sheegtay in lixda qof lagu toogtay magaalada Damaam ee Xeebta Gacanka, iyadoo lagu eedeeyay “in ay si qarsoodi ah u soo galiyeen xashiish” boqortooyada, balse lama cayimin goorta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegtay in ay u yeertay safiirka Sacuudiga si loogu gudbiyo “cabasho xooggan oo ka dhan ah ku xadgudubka aan la aqbali karin ee sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.”

Tirakoobka AFP ayaa muujiyay in Sacuudi Carabiya ay fulisay ugu yaraan 338 dil 2024-kii, taasi oo aad uga badan 170-kii dil ee la diiwaan galiyay 2023, waana tiradii ugu badnayd muddo tobanaan sano ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, oo diiwaan-gelinaysay xukunnada dilka ah ee ka dhacay boqortooyada tan iyo sagaashamaadkii, ayaa sheegtay in heerarkii hore ee ugu sarreeyay ay ahaayeen 196 dil 2022, iyo 192 dil 1995-kii.

Dadka daroogada ka ganacsada ee la xukumay ayaa ah ugu yaraan 117 ka mid ah kuwa la toogtay sanadkii hore.

Waxaa jiray mowjado dil ah oo lagu fuliyay dad daroogada ka ganacsanayay tan iyo markii boqortooyadu soo afjartay hakinta isticmaalka ciqaabta dilka ah ee dambiyada daroogada laba sano ka hor.

Mas’uuliyiinta ayaa 2023 billaabay olole si heer sare ah loo xayeysiiyey oo ah la-dagaalanka maandooriyaha kaas oo ay ku jireen dadka oo guryaha loogu galo iyo xarigyo joogto ah.

Sacuudi Carabiya ayaa suuq weyn u noqotay nooc daroogo oo aad loo qabatimo oo lagu sameynayey gudaha Suuriya intii uu socday dagaalka sokeeye ee ugu dambeyn ee xukunka looga tuuray madaxweyne Bashar al-Assad bishii hore.

Bishii Sebtembar, in ka badan 30 ururada xuquuqda aadanaha ee Carabta iyo kuwa caalamiga ah ayaa dhalleeceeyay “kor u kaca” dilalka dadka lagu xukumo eedeymaha daroogada.

Ajaanibta ayaa ka kooban 129 ka mid ah 338 qof ee lagu fuliyay dilka 2024, waana rikoor cusub.

Waxay isugu jireen 25 Yemeniyiin ah, 24 Pakistaniyiin ah, 17 Masaari ah, 16 Suuriyaan ah, 14 Nigeria u dhashay, 13 Urdun ah iyo 7 Itoobiyaan ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles