Tuesday, May 13, 2025

Weeraryahanka Darwin Nunez oo ku biiraya kooxda AC Milan

Darwin Núñez, weeraryahanka reer Uruguay ee Liverpool, ayaa laga yaabaa inuu ku jiro maalmihiisii ugu dambeeyay Anfield.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxda reer England ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabka u imaanaya weeraryahanka.

AC Milan ayaa u muuqata mid ka mid ah kooxaha doonaya inay helaan xiddiga weerarka ka ciyaara ee reer Uruguay suuqa jilaalka.

Kooxda Talyaaniga ayaa ka fiirsaneysa heshiis amaah ah oo ay kujirto sharuud iibsasho in ay ku qaataan xiddiga Darwin Núñez.

Imaanshiyaha Núñez ee Liverpool ayaa hoos u dhac ku keentay qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee Benfica. La qabsi la’aantiisa kubada cagta Ingariiska ayaa soo dedejin karta inuu u dhaqaaqo Talyaaniga.

Slot ayaa inta badan Darwin Núñez u adeegsada kursiga keydka Liverpool, waxaana macquul ah in ay iska fasaxdo kooxda inta lagu jiro suuqa jilaalka.

WARARKII KALE

Paul Merson oo u saadaaliyay Liverpool inay ku guuleysanayso Horyaalka Premier League

Xiddigii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa ku adkeystay...

Maresca Oo Shaaciyay Go’aanka Chelsea Ay Ku Dooneyso Weeraryahan Cusub

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in Blues aysan...

Artera oo wax laga weydiiyay soo laabashada Bukayo Saka

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa wax laga weydiiyay soo...

Amorim oo sheegay in Man United ay iska iibineyso Ciyaaryahano

Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay u...

Real Madrid iyo Manchester City oo foodda is daraya kulamada bug baxa ee koobka horyaallada Yurub

Goor dhaweyd waxa lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka...

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray South Sudan

Xulka 17-jirrada Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaaray tartanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles