Saturday, March 7, 2026

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu muujiyay rajada iyo hambalyada ay u direyso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda caleemo-saarkaas guuleystay awgeed.

Safaaraddu waxay sheegtay inay si gaar ah ugu hambalyaysay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cal ee la caleema saarkiisu ka dhacay magaalada Laascaanood.

WARARKII KALE

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe kula afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jeneraal Khaalid oo Isbitaalka Xoogga ku booqday carruur ay Al-Shabaab ku dhaawaceen G/Sh/Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo abaal-marin siiyay ardaydii ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

James Swan oo loo magacaabay inuu noqdo ergeyga Corgo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles