Dagaal culus oo ka socda degmada Warsheekh ee G/Sh/Dhexe

Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa saaka maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen xeryo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Degmada Warsheekh, ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaal culus uu weli ka socdo goobta, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar toos ah ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada, iyadoo la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo is xigay.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadeen deegaanno ay Al-Shabaab ku sugan yihiin, gaar ahaan deegaanka Jabad-Godane, taas oo la rumeysan yahay inay sababtay weerarka ay saaka qaadeen maleeshiyaadku.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare kala duwan uu jiro, balse weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama dagaalku weli socdo, isla markaana xaaladdu tahay mid aad u cakiran.

Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin faahfaahinta rasmiga ah ee dagaalkan, hase yeeshee warar madax-bannaan ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay iska caabin xooggan sameynayaan.

Wararka soo kordha kala soco.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles