DFS oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay Sh/Dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda u fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka, isla markaana ay ciidamadu hadda si buuxda gacanta ugu hayaan Jabad Godane, kaddib markii kooxdaasi loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xaqiijiyay in hawlgal ballaaran oo sifayn iyo sugid amni ah uu haatan ka socdo deegaanka, si loo ciribtirro haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya goobaha qaar, loogana hortago isku day kasta oo ay dib ugu abaabulan karaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda shacabka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ujeedkoodu yahay sugidda amniga guud, difaaca shacabka Soomaaliyeed, iyo xoreynta deegaannada ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles