DFS oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay Sh/Dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda u fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka, isla markaana ay ciidamadu hadda si buuxda gacanta ugu hayaan Jabad Godane, kaddib markii kooxdaasi loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xaqiijiyay in hawlgal ballaaran oo sifayn iyo sugid amni ah uu haatan ka socdo deegaanka, si loo ciribtirro haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya goobaha qaar, loogana hortago isku day kasta oo ay dib ugu abaabulan karaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda shacabka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ujeedkoodu yahay sugidda amniga guud, difaaca shacabka Soomaaliyeed, iyo xoreynta deegaannada ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

 

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles