RW Xamsa oo Laascaanood kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid ahaa wufuudda kala duwan ee booqasho ku yimid caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeybgalaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi. Odayaashan ayaa ka kala deegaanada Puntland, Jubbaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka, kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan, isaga oo xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyey in odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay masuuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka, isaga oo bogaadiyey dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay bahda dhaqanka in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles