Wednesday, June 24, 2026

MW Xasan Sheekh oo wadahadal la furaya Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo gogol Wadahadal oo dowladda Federaalka la galeyso siyaasiyiinta Mucaaradka iyo maamul Puntland iyo Jubbaland.

Gogoshan ayaa imaaneysa kadib shirkii Isbaheysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka bishii hore ee Disembar ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu qabtay inay 20-ka bishan Janaayo isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda ama in Golaha Mustaqbalka guda geli doono sidii loo qaban lahaa doorasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay wadahadal uu la galo Mucaaradka, wuxuuna kulan gaara la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isagoo ka codsaday inuu kala shaqeeyo qabanqaabada shirka.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wadaa qorshe u gaara oo ku saabsan shirweynaha la filayo in uu ku dhawaaqo.

Sida xogta lagu helay ujeedooyinka ugu weyn ee baaqa Madaxweyne Xasan Sheekh xambaarsanaan doono ayaa kala ah:

– Inuu ku dhawaaqo shir wadatashi oo gogoshiisa ka furan tahay caasimadda Muqdisho..

– Inay gogosha u furan tahay Mucaaradka iyo siyaasiyiinta taageersan iyo qeybaha bulshada..

– Iyo in qodobadda laga wadahadlayo ay ka mid noqdaan Arrimaha masiiriga ah sida; Midnimada dalka iyo Dagaalka Alshabaab.

 

Qeybta ugu weyn Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka oo ah Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan inay Muqdisho yimaadaan, inkastoo Saciid Dani tanaasul ka muujiyay arrintan, haddana Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn ayaa caqabad ku noqonaya gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale xubno ka mida mucaaradka Muqdisho ayaa diidan inay gogosha qeyb ka noqdaan siyaasiyiinta la heshiiyay ama taageera Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo hore loo soo tijaabiyay arrintan.

Golaha Mucaaradka ee Mustaqbalka waxay isku raacsan yihiin in ajendaha wadahadalka lagu koobo khilaafka doorashada iyo arrimaha Dastuurka, iyagoo ku adkeysanaya inaysan ogoleyn muddo kororsi.

Ugu danbeyntii waxaa muuqata in ku dhawaaqista madaxweyne Xasan Sheekh ee gogol wadatashi ay kaliya jawaab u noqon doonto dalabkii mucaaradka ee 20-ka bishan Janaayo, balse ay waqti qaadan doonto sidii looga heshiin lahaa ajendayaasha, goobta shirka lagu qabanayo iyo cidda ka qeyb galeysa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles