Safiirka Soomaaliya Oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo U Gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Mauritaaniya

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Ahmed Hassan (Yusuf Jeego), ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritaaniya, Mudane Mohamed Ould Cheikh El Ghazouani, isaga oo si rasmi ah ugu noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mauritaaniya.

Munaasabadda gudbinta warqadaha aqoonsiga ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Nouakchott, iyadoo ku qabsoontay jawi dagan oo saaxiibtinimo leh, kana tarjumayay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha muhiimka ah.

Sidoo kale, waxay markale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo ballaarinta wada shaqeynta u dhexeysa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritaaniya

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles