Wednesday, July 2, 2025

Shariif, Kheyre iyo CCW oo soo dhaweeyay gogosha uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Xasan Cali Khayre, Raysal wasaarihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.”

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey ugu horreyn waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga.

Siyaasiyiintan ayaa tibaaxay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”

Balse, waxay intaasi raaciyeen in “si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka aragtida duwan, isagoo ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan nidaamka Federaalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles