War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ku tilmaamay” waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalka.”
“Sida aan marar badan soo jeedinnay, arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada waa masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho, sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.”
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey, isagoo abuuraya jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay, iyada oo meesha laga saarayo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay” ayuu yiri Farmaajo