Sheegashada Puntland ee markabkii oo dood ka dhalatay iyo xog cusub

War cusub ayaa kasoo kordhaya cidda dhab ahaantii soo furtay markab ay ciidamada Badda Puntland (PMPF) sheegeen inay kasoo furteen koox burcad-badeed ah oo ku haysatay xeebaha gobolka Mudug.

Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa xalay baahisay in ciidamo ama xubno ka tirsan qabiil Ciraaqi ah ay gaareen goobta, isla markaana ay iyagu door ku lahaayeen soo furashada markabka.

Wararka la baahiyay ayaa sheegaya in markii xubno ka yimid Ciraaq ay soo gaareen goobta, ay markabka kala wareegeen kooxdii burcad-badeedda ahayd, kaddibna ay goobta timid PMPF.

Sheegashada cusub ayaa ka duwan warbixintii hore ee kasoo baxday Puntland, taas oo lagu sheegay in ciidamada PMPF ay fulyeen hawlgal lagu soo furtay markabka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen burcad-badeedda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo dhinaca Puntland ama dowladda Soomaaliya kasoo baxay oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada warbaahinta Ciraaq.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan cidda hoggaamisay hawlgalkii lagu soo furtay markabka iyo doorka ay dhinacyada kala duwan ku lahaayeen.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo sameeyay magacaabis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha...

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan

Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu...

Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay qorshihii Xamsa, taageerayna BFS

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa 26-ka Sebtembar 2026...

Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay...

Sheekh Shariif oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay kala qeybin dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

KGS oo qorsheyneysa in degmo kasta loo dhiso ciidan gaar ah

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles