Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho ku tagay Saldhiga Degmada Warta Nabadda oo ay shalay ka dhacday shaqaaqo khasaare geysatay

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saraakiishii goobta kusoo dhoweysay oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Saldhiga Degmadda Warta Nabada, waxa ay warbixin ka siiyeen shaqaaqadii shalay ka dhacday Saldhiga Degmadda Warta Nabadda.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo saldhiga Degmada Warta Nabadda warbaahinta kula hadlay ayaa marka hore sheegay in dowladda ay ka xuntahay falkii foosha xumaa ee lagula dhaqmay aabihii waayeelka ahaa iyo hooyooyinkii lagu dhibaateeyay Suuqa Siinaay, isagoo saraakiisha Booliiska iyo guud ahaan laamaha amniga uga mahadceliyay kuna amaanay talaabadii ay ka qaadeen dadkii arintaasi dambeeyay.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xuntahay dhacdadii shaqaaqada ahayd ee shalay ka dhacday Saldhiga Degmadda Warta Nabadda, wuxuuna laamaha amaanka uga mahadceliyay sida ay u xakameeyeen.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii shalay dhacday in ay soo abaabuleen siyaasiyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay, isagoo ka digay in ay arintaas mar kale soo laabato.

Ugu dambeyn waxaa uu hay’adaha garsoorka ee dalka faray in cadaaladda la marsiiyo shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhibaatadii shalay ka dhacday Suuqa Siinaay si ay cadaalad u helaan dadkii dhibaatadda loo geystay oo uu ka mid yahay Aabihii waayeelka ahaa.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles