Thursday, July 16, 2026

Talyaanaiga iyo Spain oo maraakiib dagaal ku daray doomo u socda Qasa

Dalalka Talyaaniga iyo Spain ayaa shaaciyey in ay badda Mediterranean-ka u direen maraakiib daagaal oo galbiya doomo gargaar u sida Qasa, tiiyoo Isra’il wacad ku martay in aysan ogolaan doonin in la jabiyo xayiraadda marinaka Qasa.

Tillaabadan ayaa timid ka dib markii in ka badan 50 doomood oo rayid ah, ku waas gargaar bini’aadanimo u sidey Qasa, lagu beegsaday badda Mediterranean-ka.

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga Guido Crosetto, ayaa cambaareeyey weerarka lala beegsaday doomaha gargaarka sida, wuxuuba sheegay in uu amray markab dagaal in lagu daro.

Ra’isul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa dhankiisa sheegay in ay Markab dagaal oo aad u qalabeysan ku biirinayaan kolonyada doomaha ah, si looga ilaaliyo weerar kale.

Labadan dal ee ku jira Gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay tillaabadan u qaadeen si ay u ilaaliyaan bedqabka muwaadiniintooda saaran kolonyada doomaha Global Sumad Flotilla.

Isra’il ayaa horay u sheegtay in aysan ogolaan doonin wax doomo ah oo gala Qasa, illaa haddase kama hadlin weerarkan ugu dambeeyey ee lagu qaaday kolonyada Global Sumad Flotilla.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran oo ku goodisay marino kale ay xiri doonto

Iran ayaa ku hanjabtay inay xirayso marino kale oo...

Ukraine iyo Midowga Yurub oo iska kaashanaya ballaarinta soo saarista drones-ka

Ukraine iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay inay hirgeliyaan...

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles