Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo saakay ka dhacday magaalada Baydhabo.
Aadan Madoobe ayaa helay 88 cod, halka musharraxii la tartamayay uu helay hal cod, iyadoo hal codna uu xumaaday.
Doorashada waxaa ka qeyb galay 90 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood soo xaadiray hoolka doorashada.


