Wednesday, March 4, 2026

Sheekh Shariif oo ku baaqay in la sii daayo dad ay xireen Ciidamada Ammaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray dad ay xireen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Waxaan aad u cambaareynayaa islamarkaana aan sinnaba loo aqbali karin afduubka ka baxsan sharciga iyo dowladnimada ee  hay’addaha ammaanka dowladu ay u gaysteen xubno ka mid ah waxgaradka iyo haldoorka bulshada caasimadda oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsade Cali Xaaji iimaan iyo sidoo kale Gacansade Cabdulqaadir Maxamud Cilmi (bulaale).”Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Falkaan afduubka ah wuxuu waji gabax iyo ceeb ku yahay cid kasta oo soo abaabushay wuxuuna dhaawacayaa xasilloonida, amniga iyo kalsoonida bulshada ay ku qabi karto xukuumadda Federaalka ah oo markaan u soo dhar dhigatay, una bareertay ku xadgudubka karaamada shacabka iyo masuuliyiinta.

Waa in si deg-deg ah xoriyaddooda loo siiyo masuuliyiinta la afduubay waxaana Ciidamada ammaanka ku boorrinayaa inay ka fogaadaan in loo adeegsado danno siyaasadeed oo gurracan iyo cabburinta bulshada caasimadda taasoo hadda u muuqata inay xaduuda sharciga ah dhaaftay

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles