Tuesday, February 24, 2026

Sheekh Shariif oo tagay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wafdiga Sheekh Shariif ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Kismaayo.

Shalay magaalada Kismaayo ayaa waxaa gaaray R/wasaareyaal hore Kheyre, Rooble iyo Saacid Shirdoon, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, xubnaha mucaaradka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa daqiiqadaha soo aadan ka furmi doono magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya golahan oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

Sidoo kale, shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorsheyaal la xiriira doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga horyimaadeen golahan iyo xubnaha ku bahoobay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles