Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, laguna afduubtay xeebaha Puntland ee Soomaaliya, si nabad ah loo soo badbaadiyay 2-da Maarso.
Qoraal ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in markabka iyo shaqaalihiisuba ay bad qabaan, kadib dadaallo ay sameeyeen dhinacyada kala duwan ee arrinta ku lugta lahaa.
Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay falka afduubka ah, isagoo ku tilmaamay mid khatar geliyay amniga shaqaalaha iyo badqabka maraakiibta caalamiga ah.
Sidoo kale, dowladda Shiinaha waxay sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteeda iyo shirkadaha dibadda ka howlgala.


