Shir ka dhacay Sacuudiga oo looga hadlayo xaaladda Yemen

Caasimadda Sacuudiga ee Riyad ayaa Isniinta maanta ah martigelin doonta kulan ay yeelanayaan dalalka xubnaha ka ah “Heshiiska Maka ee Difaaca Wadajirka ah”, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda, kulanka waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yaşar Güler iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Selçuk Bayraktaroğlu, iyo sidoo kale wakiillo ka socda Sacuudiga iyo Pakistan oo iyaguna saxiixayaasha heshiiska ka mid ah.

ulanka ayaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo horumarka laga sameeyay dadaallada lagu xoojinayo isbahaysiga, iyo sidii loo siin lahaa qaab hawleed rasmi ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa Jimcihii sheegay in Iran ay muujisay inay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dadaallada dhexdhexaadinta siyaasadeed ee lala xiriirinayo fallaagada Xuutiyiinta, arrintaas oo la filayo in kulanka looga hadlo.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Yemen, oo Sacuudigu taageero, ay ku dhawaaqday inay bilowday howlgallo militari oo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Ansar Allah ee Xuutiyiinta, oo Iran taageerto, iyadoo ujeeddadu tahay in dib loogu soo celiyo saameynta iyo gacan-ku-haynta deegaannada ay kooxdaasi maamusho.

WARARKII KALE

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku Wajahan Ballanballe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles