Thursday, July 10, 2025

Shir Looga Hadlaayo Tamarta Afrika oo ka furmay Tanzania

Waxaa maanta magaalada Dar-es-Salam ee dalka Tanzania ka furmay shirka Tamarta Afrika,kaas oo ay  isu imaanayaan hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika, daneeyayaasha tamarta iyo xubmo kale oo muhiim ah.

Shirkaan oo looga wada  hadlayo adeegyada tamarta Afrika waxa uu bixinayaa fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo istiraatijiyad lagu gaadhayo xalka tamar waarta , iyadoo la waafajinayo yoolalka horumarineed ee caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedkaasi, isagoo oo ku biiri doona madaxda kale ee Afrika ee doonaya in ay xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo arrimaha caqabadaha ku ah tamarta iyadoo la qaadanayo Baaqa Daarasalaam.

Baaqani wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay Madaxda Afrikaanka iyo Dawladaha in la helo tamar la isku halayn karo, la awoodi karo iyo tamar waarta oo ku filan guud ahaan qaaradda.

Hadafka ama hamiga loo yaqaan Mission 300 waxa uu higsanayaa in koronto la siiyo ku dhawaad 300 milyan oo qof marka la gaaro 2030.

Bishii April 2024-tii ayeey aheyd matkii Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka ay ku dhaaaqeen ,mashruucaasi xagga tamarta ah,kaas oo hoosta ka xariiqaya go’aan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha la xiriira helitaanka tamarta Afrika.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xariga Xarumaha Caafimadka iyo Wadooyinka (SCRP)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Taliye Asad oo gaadiid dagaal kala wareegay Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka...

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles