Monday, June 8, 2026

Shir Looga Hadlaayo Tamarta Afrika oo ka furmay Tanzania

Waxaa maanta magaalada Dar-es-Salam ee dalka Tanzania ka furmay shirka Tamarta Afrika,kaas oo ay  isu imaanayaan hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika, daneeyayaasha tamarta iyo xubmo kale oo muhiim ah.

Shirkaan oo looga wada  hadlayo adeegyada tamarta Afrika waxa uu bixinayaa fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo istiraatijiyad lagu gaadhayo xalka tamar waarta , iyadoo la waafajinayo yoolalka horumarineed ee caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedkaasi, isagoo oo ku biiri doona madaxda kale ee Afrika ee doonaya in ay xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo arrimaha caqabadaha ku ah tamarta iyadoo la qaadanayo Baaqa Daarasalaam.

Baaqani wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay Madaxda Afrikaanka iyo Dawladaha in la helo tamar la isku halayn karo, la awoodi karo iyo tamar waarta oo ku filan guud ahaan qaaradda.

Hadafka ama hamiga loo yaqaan Mission 300 waxa uu higsanayaa in koronto la siiyo ku dhawaad 300 milyan oo qof marka la gaaro 2030.

Bishii April 2024-tii ayeey aheyd matkii Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka ay ku dhaaaqeen ,mashruucaasi xagga tamarta ah,kaas oo hoosta ka xariiqaya go’aan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha la xiriira helitaanka tamarta Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles