Thursday, July 31, 2025

Shirka gogosha wadatashiga Qaran oo galay Maalintii Seddexaad iyo dhinacyada oo dood yeelanaya

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii seddexaad, iyadoo maanta si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha amniga, hannaanka doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka dalka.

Dood adag ayaa maanta la filayaa inay dhex marto dhinacyada kala duwan ee ka qeybgalaya, iyadoo qodobbada miiska saaran ay ka mid yihiin:

Sugidda amniga guud ee dalka

Dejinta hannaan doorasho oo mideysan

Dhammeystirka dib u eegista Dastuurka

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka maqan shirka ayaa horey u dhaliilay hannaanka uu madaxweynuhu u wajahay wada-hadallada, iyagoo ku eedeeyay inuusan daacad ka aheyn xal u helidda caqabadaha taagan.

Guddiga qaban-qaabada shirka  ayaa sheegay in maanta dhinacyada ay dood yeelan doonaa, waxaa ayna sheegeen in laga doodi doono qodobo ay ka mid yihiin amniga, Doorashooyinka iyo Dastuurka..

Labaddii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa Siyaasiyiinta ka qeyb galaya  shirkan ay jeediyeen talooyin wax toosin kara, waxaana talooyinkaas dhageysanayey Madaxweynaha, R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo guddiga dowladda ee ka shaqeynaya gogoshaan oo Wasiir Xasan Macalin uu hoggaaminayo.

Waxaana la filayaa in shirka maanta ama beri midkood la soo gabagabeeyo, iyadoo lagu wado in laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo lagu soo koobayo qodobada laga heshiiyay iyo kuwa weli u baahan wada-xaajood dheeraad ah.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan khilaaf xooggan oo ka dhashay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan hoggaanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka iyo Maamulada Puntaland iyo Jubbaland

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles