Madaxweynaha Dowladd goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka golayaasha deegaanka Jubaland, horumarinta adeegyada bulshada, siyaasadda dalxiiska, iyo qorshayaasha horumarineed ee dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland, iyo howlaha mudnaanta leh ee illaa hadda la qabtay.
Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa soo bandhigtay Siyaasadda Dalxiiska Jubaland, oo ah hage dowladeed lagu dejiyay jihada iyo qorshaha horumarineed ee dalxiiska. Siyaasaddan ayaa lagu mideynayaa qorshayaasha iyo aragtida horumarineed ee heer dowladeed, iyadoo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha iyo soo jiidashada dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda.
Dhanka kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo bandhigtay barnaamijka Siyaasadda Ciyaaraha Jubaland, kaas oo lagu hagaajinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada. Wasaaraddu waxay sidoo kale ka warbixisay halka uu marayo mashruuca dhismaha garoonka ciyaaraha ee deegaanka Raas-Kambooni, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.