Wednesday, July 30, 2025

Shirka Golaha Wasiirrada oo Lagu Lafaguray Amniga iyo Xasilinta Dalka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amniga guud ee dalka, iyadoo la isku waafaqay xoojinta iskaashiga iyo isu-dubaridka hay’adaha amniga si loo dardargeliyo sugidda xasiloonida.

Sidoo kale, Golaha ayaa ka dooday muhiimadda doorka ay bulshada ku leedahay sugidda nabadda iyo wadashaqeynta laamaha ammaanka.

Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray diyaar-garowga munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo imtixaanaadka shahaadiga ah ee soo socda, iyadoo la adkeynayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga ardayda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa si weyn u bogaadiyay guusha taariikhiga ah ee ay Soomaaliya ku gaartay ka mid noqoshada Hey’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta Magaalooyinka iyo Deegaanka (UN-HABITAT), taasoo loo arko mid muujineysa kalsoonida caalamka ee dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles