MW Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay waqtiga la qaban doono Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo dhowr ah oo uu madaxweynuhu la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad-goboleedyada, ururada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka, si loo xoojiyo is-afgaradka siyaasadeed iyo midnimada qaranka.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, oo ay ka mid yihiin: Amniga iyo ciribtirka argagixisada, dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka, midnimada dalka iyo dhab-u-heshiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan ayna si mug leh uga qeyb qaataan shirkan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Fududeynta arrimaha farsamada ee shirka waxaa loo xilsaaray guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, kaas oo lala xiriiri karo wixii faahfaahin dheeri ah.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles