Shirka Guddiga Waxaa Magaalada Garoowe maanta shir uga furmay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa ka shiraya diyaarinta tubta wada xaajoodka doorashooyinka Dalka si waafaqsan go’aankii Shirkii aayo-katashiga Kismaayo, gaar ahaan qodobaddaa 6-aad iyo 7-aad, kuwaasi oo kala ahaa : –
“ 6. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee Dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka
7. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqa kor ku xusan uu Golaha Mustaqbalka gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada” Go’aankii kasoo baxay Shirkii Kismaayo.


