Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu gelinkii dambe ee maanta magaalada Riyaadh kula kulmay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaan ayaa muujiyey mahadnaq qoto dheer oo uu u hayo mowqifka taageerada leh ee Sacuudi Carabiya ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo boggaadiyey garab-istaagga joogtada ah ee ay Boqortooyadu la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimada dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada buuxda ee Boqortooyadu u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey ballan-qaadka Riyaadh ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana muujiyey diidmada cad ee ay ka taagan yihiin tallaabo kasta oo khatar keeni karta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, iyadoo la isla soo hadal qaaday xaaladaha gobolka iyo arrimaha dan-wadaagga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles