Monday, March 30, 2026

Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ah ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways oo maalintii 2-aad joojiyay Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho

Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ah ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways ayaa maalintii labaad joojiyay Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdish, kadib digniintii Amni ee ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Warka Mareykanka oo lagu sheegay suuragalnimada Weerarro argagixiso oo ka dhici kara caasimadda Muqdisho, iyo inay ka dhici karaan Garoonka Aaden Cadde iyo goobo kale.

Digniinta Mareykanka ayaa dhalisay cabsida amni ee keenay inay shirkadaha caalamiga ah ee Diyaaradaha joojiyaan muddo toddobaad ah Duulimaadyadii Garoonka Muqdisho ku imaan jireen, waxayna kansaleen tikidhadii hore looga jartay.

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa iska dhega tirtay digniinta Mareykanka, waxayna sidaas ku noqotay shirkadda kaliya ee caalamiga ah ee maalmahan ka duuleysa Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde, taasoo sawir ka bixineysa shirkadaha ku shaqeyn kara xaaladaha adag iyo kuwa u nugul.

Sidoo kale waxaa duulimaadyadoodii si caadi ah u wadata Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines iyo guud ahaan shirkadaha Diyaaradaha Soomaalida oo ay ugu waaweyn yihiin:

-Daallo airlines

-African Express

-Freedom Airlines

-Jubba airways

Waxaa kaloo si caadi ah u socda duulimadayadii shirkadaha yaryar ee magalooyinka gudaha dalka isagaa goosha.

Mareykanka ayaa  si joogto ah u soo saara dingiino amni oo ku socda dadka Mareykanka ah iyo diblomaasiyiintiisa ku sugan Muqdisho, waxaana caado noqotay in horaanta iyo aakhirka Ramadaan kasta a soo baxaan digniino la mida tii ugu danbeysay ee toddobaadkan.

Waxaa la xusuustaa 11-kii April sanadkii hore, inay safaaradda Mareykanka ee Nairobi soo saartay digniin Amni, iyadoo soo xiganeysa safaradda Mareykanka ee Muqdisho, taasoo dhalisay in la xiro xeyndaabka Garoonka, caasimadda Muqdishana ay gasho xaalad amni.

Inta badan ma dhacaan falal argagixiso, kadib marka ay soo baxdo digniinta Mareykanka, balse waxay ciidamada Sirdoonka NISA iyo hay’adhaa Amniga dowladda Soomaaliya ku fashilmeen inay joojiyaaen weerarrada Hoobiyeyaasha ah ee AS la beegsato xeydaabka Xalane iyo Garoonka Muqdisho.

WARARKII KALE

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la Magacaabay

Madaxweynihii xilka laga tuuray laftagareen ayaa inta uusan ka...

MW Laftagreen oo Iska casilay Xilka MW Maamulkaasi ka dib markii maanta lagala wareegay Magaaladda Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (DGKS), Mudane Cabdicasiis...

Lafta gareen oo ka safray Baydhabo

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada...

DFS oo ka hadashay xaalada ka taagan Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo ay ku...

RW Xamsa oo magacaabay wasiiro Cusub

Ra’iisul Wasaaruhu markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles