Monday, September 1, 2025

Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ah ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways oo maalintii 2-aad joojiyay Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho

Shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ah ee Turkish Airlines iyo Qatar Airways ayaa maalintii labaad joojiyay Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdish, kadib digniintii Amni ee ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Warka Mareykanka oo lagu sheegay suuragalnimada Weerarro argagixiso oo ka dhici kara caasimadda Muqdisho, iyo inay ka dhici karaan Garoonka Aaden Cadde iyo goobo kale.

Digniinta Mareykanka ayaa dhalisay cabsida amni ee keenay inay shirkadaha caalamiga ah ee Diyaaradaha joojiyaan muddo toddobaad ah Duulimaadyadii Garoonka Muqdisho ku imaan jireen, waxayna kansaleen tikidhadii hore looga jartay.

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa iska dhega tirtay digniinta Mareykanka, waxayna sidaas ku noqotay shirkadda kaliya ee caalamiga ah ee maalmahan ka duuleysa Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde, taasoo sawir ka bixineysa shirkadaha ku shaqeyn kara xaaladaha adag iyo kuwa u nugul.

Sidoo kale waxaa duulimaadyadoodii si caadi ah u wadata Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines iyo guud ahaan shirkadaha Diyaaradaha Soomaalida oo ay ugu waaweyn yihiin:

-Daallo airlines

-African Express

-Freedom Airlines

-Jubba airways

Waxaa kaloo si caadi ah u socda duulimadayadii shirkadaha yaryar ee magalooyinka gudaha dalka isagaa goosha.

Mareykanka ayaaย  si joogto ah u soo saara dingiino amni oo ku socda dadka Mareykanka ah iyo diblomaasiyiintiisa ku sugan Muqdisho, waxaana caado noqotay in horaanta iyo aakhirka Ramadaan kasta a soo baxaan digniino la mida tii ugu danbeysay ee toddobaadkan.

Waxaa la xusuustaa 11-kii April sanadkii hore, inay safaaradda Mareykanka ee Nairobi soo saartay digniin Amni, iyadoo soo xiganeysa safaradda Mareykanka ee Muqdisho, taasoo dhalisay in la xiro xeyndaabka Garoonka, caasimadda Muqdishana ay gasho xaalad amni.

Inta badan ma dhacaan falal argagixiso, kadib marka ay soo baxdo digniinta Mareykanka, balse waxay ciidamada Sirdoonka NISA iyo hayโ€™adhaa Amniga dowladda Soomaaliya ku fashilmeen inay joojiyaaen weerarrada Hoobiyeyaasha ah ee AS la beegsato xeydaabka Xalane iyo Garoonka Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles